XAQIIQDA QARAAR IYO ARAGTIDA CAALAMKA
Waa wax laga xumaado, Laakiin xaqiiqo ah in dunidu ay noo aragto tusaale xun markii laga hadlayo nidaam iyo dowladnimo.
Tusaale cad waxaa ah hadalada Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, iyo madax kale oo caalami ah kuwaas oo marar badan Soomaaliya u soo qaatay tusaale "Dal aad u liita" ama Dowlad Fashilantay (Failed State).
Hadaladaasi maaha kuwo la iska yiri, ee waa natiijada ka dhalatay hab-dhaqankeena.
In kasta oo laga yaabo inaan dhibsanno hadalada noocaas ah oo aan u aragno cay ama yasid, haddana waa muraayad dhab ah oo ina tusaysa sida aan u egnahay.
Trump iyo kuwa la midka ah ma eedeyn karno haddii aan anagu gurigeena hagaajisan weynay.
Marka caalamku arko inaan 30 sano weli isku haysanno waxyaabo aan qiimo lahayn, waxay xaq u yeelanayaan inay noo arkaan dad aan mudnayn in lala macaamilo, balse mudan in la maamulo, la iska fogeeyo, ama la yaso.
Sharafta lama tuugsado ee waa la shaqaystaa, anaguna weli ma shaqaysan sharaftii aan ku lahayn caalamka.
Cudurka Curyaamiyay Qaranka
Mudo soddon sano ka badan, Soomaaliya waxay ku jirtay xaalad loo yeeri karo "Jug-jug meeshaada joog."
Waa xaalad "Fadhiid" ah oo curyaamisay garaadkii, dhaqaalihii, iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed, iyadoo dunida inteeda kalena ay ku socoto xawaare gantaal.
Xaaladdan "Jug-jug meeshaada joog" ma ahan oo kaliya inaan horumar samayn weynay, balse waa mid aan dib ugu noqonay heerar hoose oo dunidu ay kasoo gudubtay qarniyo ka hor.
Waa cudur bulsho oo keenay in qofka Soomaaliga ah uu qiimaha qofnimadiisa ku cabbiro qabiilkiisa halkii uu ku cabbiri lahaa aqoontiisa, kartidiisa, iyo wax-qabadkiisa.
Nidaamka dawladnimo ee aan dhisnayna wuxuu noqday mid ku wareegaya goobaabo (vicious circle), halkaas oo afartii sanoba mar aan dib ugu laabanno halkii aan kasoo billawnay, iyadoo aan wax la taaban karo kusoo kordhin nolosha dadka masaakiinta ah, taasina waxay abuurtay rajo beel baahsan oo ku habsatay bulshada.
Marka aynu si daacad ah isku weydiino sababta dhabta ah ee hortaagan inaan ka baxno xaaladdan mugdiga ah, jawaabtu waa mid cad oo aan meel fog laga raadinayn.
Dhibaatadu dibadda noogama imaan, ee waa dhaqan xun oo gudaheenna ah, kaas oo ah inaan isku mashquulnay halkii aan dunida la tartami lahayn.
Sidoo kale, cudurkaan wuxuu dilay dareenkii wadaninimo iyo isla-xisaabtanka.
Waxaa caado noqotay in hantida qaranka loo arko "Hanti la bililiqaysan karo" halkii loo arki lahaa amaano umadeed.
Musuq-maasuqa iyo eexda ayaa noqday furaha guusha ee bulshada dhexdeeda, taasoo niyad-jab ku riday dhalinyarada wax baratay ee dalka u soo baxaysa.
Waxaan noqonnay ummad haysata khayraad dabiici ah oo aan la qiyaasi karin, haddana u baahan gargaar caalami ah oo joogto ah, taasoo ah heerka ugu hooseeya ee liidashada qaran gaaro.
Waxaan dooranay inaan tamarteena ku bixinno burburinta walaalka, halkii aan ku bixin lahayn dhismaha dalka.
Dhinaca kale, laba cadow oo waaweyn ayaa curyaamiyay qaranka, kuwaas oo kala ah qabyaaladda iyo argagaxisada.
Qabyaaladdu waxay kala dishay dadkii walaalaha ahaa, halka argagaxisaduna ay beegsatay haldoorkii bulshada.
Labadaas aafo ayaa ah caqabada ugu weyn ee hortaagan inaan cagaha saarno dhabaha nabadda, iyagoo na dhaxalsiiyay cabsi iyo kala daadsanaan joogto ah.
Maskaxda Lug-gooyada iyo Tamar Luminta Gudaha
Dhibaatada ugu weyn iyo caqabada koowaad ee na haysata waa qaabka aan u isticmaalno waqtiga iyo tamarta Eebbe na siiyay.
Halkii aan tamarteena, caqligeena, iyo maalkeena isugu geyn lahayn dhismaha dalka, kobcinta dhaqaalaha, iyo la tartanka caalamka, waxaan ku bixinnaa is-qabqabsi macno la’aan ah iyo muran aan dhamaad lahayn.
Siyaasiga Soomaaliga ah iyo shacabkaba waxay waqti badan galiyaan muranada salka ku haya qabyaalad, "Reer Hebel" iyo "Siyaasi Hebel," taasoo keentay inaan weyno hiigsi qaran oo na mideeya.
Waa falsafad qaldan oo ku dhisan "Haddaan anigu talada hayn, adiguna ma haynaysid," ama "Haddaan anigu aanan guulaysan, adiguna guulaysan maysid."
Fikirka noocan ah waxaa cilmiga bulshada loo yaqaanaa "Crab Mentality" ama Dhaqankii Carsaanyada.
Markii qof isku dayo inuu tallaabo horey u qaado ama godka ka baxo, waxaa soo jiida walaalkiis oo leh "Xageed u socotaa, anigaa kaa mudan ama waan ku diidanahay inaad iga hormarto."
Natiijadiina waxay noqotay inaan wada fadhino hal meel muddo 30 sano ah, annagoo wada eedaysan, wada khasaaray, oo is wada haysanna, halka cadowgeena dhabta ah oo ah faqriga iyo jahliga uu sii xoogaysanayo.
Dariska iyo Caalamka oo Naga Hormaray
Intii aan ku mashquulsanayn "Qoladaada iyo Qoladayda" iyo yaa madaxweyne noqonaya, dalalka dariska ah sida Itoobiya, Kenya, Rwanda, iyo Uganda waxay galeen tartan dhaqaale iyo mid horumarineed oo dhab ah.
Wadamadaasi waxay dhisteen kaabayaal dhaqaale oo waaweyn sida waddooyin caalami ah, tareeno casri ah, iyo biyo-xireeno koronto dhaliya.
Waxay soo jiiteen maalgashi caalami ah iyo shirkado waaweyn oo adduunka laga leeyahay, waxayna la jaan-qaadeen tiknoolajiyadda casriga ah iyo waxbarashada tayada leh.
Dowladahaasi maanta inama sugayaan, balse way inaga tageen oo waxay naga hormareen masaafo aad u fog.
Waxay nala macaamilaan kaliya marka ay dantooda ku jirto ama marka ay rabaan inay naga faa'iidaystaan, sababtoo ah waxay arkaan inaan nahay dad aan weli diyaar u ahayn inay la tartamaan ama wax la qabsadaan.
Waxay dhisteen dowladnimo adag iyo nidaam shaqaynaya, halka anagu aan weli dood ka qabno cidda noqonaysa guddoomiyaha degmo yar ama wasiir aan awood lahayn, taasoo ah calaamad muujinaysa inaan weli garan ujeedka dowladnimada.
Khasaaraha Jiilasha iyo Waqtiga Lumay
Soddonkii sano ee aan is haysanay, khasaaraha na gaaray maaha mid lagu qiyaasi karo lacag kaliya, ee waa burbur ku yimid rajadii iyo mustaqbalkii qaranka.
Waxaa naga lumay waqtiga oo ah shayga kaliya ee aan soo noqon, waxaana naga lumay 30 sano oo dahabi ah oo aan Japan, Germany, ama Singapore ku noqon karnay haddii aan tashan lahayn.
Dunidu way na dhaaftay iyadoo dhisatay dhaqaale iyo ilbaxnimo, halka anagu aan weli ku jirno doodaha qarniyadii hore.
Sidoo kale, khayraadkeena dabiiciga ah sida baddeena, berigeena, iyo hawadeena waxaa ka faa'iidaystay shisheeye, sababtoo ah ma jirin cid ilaashata oo u midaysan, maadaama kii ilaalin lahaa uu ku mashquulsan yahay la dagaalanka walaalkiis.
Waxaa intaas dheer in khasaaraha ugu xanuunka badan uu yahay kan ku dhacay dadkeena.
Waxaa dhashey oo qaan-gaaray jiilal dhan oo aan arag dowladnimo dhab ah, kuwaas oo maskaxdooda lagu shubay qabyaalad iyo kala qaybsanaan halkii lagu shubi lahaa cilmi, farsamo, iyo wadaniyad.
Dhalinyaradii dalka dhisi lahayd waxay u badan yihiin qaar badaha ku dhamaaday iyagoo tahriibaya iyo qaar gudaha ku niyad-jabay.
Waxaan luminnay maskaxdii iyo xooggii dalka, waxaana soo baxay jiil u arka qaranimada wax aan jirin ama aan qiimo lahayn, taasina waa dhaawac qaadan doona waqti dheer in la dhayo.
Baraarug iyo Bedelidda Aragtida
Waqtigu wuu sii dhamaanayaa, duniduna maanta waxay ku socotaa xawaare sare oo tiknoolajiyad iyo tartan dhaqaale ah.
Haddii aanan bedelin maskaxda ah "Isku mashquulidda dhexdeena ah" oo aanan u bedelin "La tartanka caalamka," waxaa hubaal ah in 30-ka sano ee soo socdana aan halkaan taagnaan doonno ama aan ka sii liidan doonno.
Waa inaan garannaa in fursadaha maanta jira aysan berri jiri doonin, oo haddii aan maanta tashan weyno, berri aan noqon doonno addoomo u adeega dadyowga kale ee horumaray.
Baraaruggu ma ahan oo kaliya inaan hadalno, ee waa inaan ficil la nimaadno oo aan joojinno tiir-dhexaadka dhibaatada oo ah qabyaaladda iyo is-necbaanshaha macno-darrada ah.
Dhinaca kale, waa inaan si dhab ah u fahannaa in cadowgeena dhabta ah uusan ahayn walaalka kaa soo horjeeda ee reerka kale ah, laakiin cadowgeenu uu yahay waqtiga na dhaafaya, faqriga na ragaadiyay, iyo jahliga na curyaamiyay.
Waa inaan tartanka u wareejinaa dhanka horumarka, waxbarashada, iyo dhaqaalaha, si aan adduunka qiimo ugu yeelanno oo aan u soo ceshano sharaftii aan lahayn.
Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu ogaadaa in guusha walaalkiis ay tahay guushiisa, guul-darraduna ay tahay ceeb wada-jir ah oo na wada taabanaysa.

