Turkiga oo Awooddiisa ku Kordhinaya Dhismaha "Dekedda Hawada Sare" ee laga dhisayo Soomaaliya
Mashruuca "Spaceport": Sababta Turkiga u doortay Soomaaliya iyo Faa'iidada ku jirta
Mashruucan uu Madaxweyne Erdogan ku dhawaaqay in la bilaabay, wuxuu Turkiga siinayaa faa'iidooyin waaweyn oo dhanka juqraafiga iyo tiknoolajiyadda ah, wuxuuna sii xoojinayaa qorshahooda ku aaddan hawada sare.
Turkiga wuxuu isku diyaarinayaa inuu kamid noqdo wadamada yar ee leh goob u gaar ah oo gantaallada laga rido. Sidaas darteed, wuxuu Soomaaliya ka dhisayaa xaruntaas, si uu u xoojiyo istiraatiijiyaddooda hawada sare.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Anadolu, shaqada dhismaha xaruntan laga hirgelinayo Soomaaliya way bilaabatay. Tani waxay qayb ka tahay qorshaha Turkiga ee ah inay si madax-bannaan u awoodaan inay hawada sare tagaan.
Khabiir ku takhasusay cilmiga xiddigaha oo la yiraahdo Umut Yildiz ayaa sheegay in mashruucan uu Madaxweyne Erdogan iclaamiyay uu Turkiga siinayo fursado dahabi ah, maadaama Soomaaliya ay ku taallo meel istiraatiiji ah.
Khabiirka oo la hadlayay Anadolu wuxuu sheegay inay aad muhiim u tahay in gantaallada iyo dayax-gacmeedyada laga rido meel u dhow "Khadka Dhexe ee Dhulka" (Equator-ka).
Wuxuu yiri: "Wakaaladda Hawada Sare ee Yurub waxay gantaalladeeda ka ridaa dhulka French Guiana. Sababtu waxa weeye, dhulka ayaa si xowli ah ugu wareega aagga Khadka Dhexe, taasi waxay gantaalka siinaysaa riixitaan dheeraad ah marka la ganayo. Faa'iidada ku jirta ayaa ah in gantaallo waaweyn hawada loo diri karo iyadoo la isticmaalayo shidaal yar."
Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: ‘Soomaaliya waa meel aad ugu habboon dhanka keydinta shidaalka gantaallada. Tan kale, gantaallada waxaa loo ridaa dhanka badda si aan cidna khatar loo gelin. Haddii Turkiga laga ridi lahaa; waqooyi waxaa ka xiga Ruushka iyo Ukraine, koonfurtana Qubrus iyo Israa’iil. Sidaas darteed, in gantaallo laga dul rido wadamadaas waxay keeni kartaa dhibaato’. Sababahaas dartood ayaa Soomaaliya loo doortay in laga dhiso xaruntan.
Talaadadii ayuu Madaxweyne Erdogan ku dhawaaqay dhismaha xaruntan, xilli uu magaalada Istanbul shir jaraa'id kula qabtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Si aan u fahanno, 'Spaceport' waa xarun loogu talagalay in laga diro ama lagu soo dejiyo dayax-gacmeedyada. Waxay la mid tahay dekedda maraakiibta ama garoonka diyaaradaha, balse tan waa midda hawada sare.
Xigash: Anadolu Agency


