Turkiga oo billaabay dhismaha markab weyn oo kuwa diyaaradaha qaada ah (300 mitir)
Turkiga oo xoojiyay awooddiisa badda, dhisayana markabkii ugu weynaa iyo xiriirka walaaltinimo ee Pakistan
Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan, ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in dowladdiisu ay si rasmi ah u billaabayso dhismaha markab weyn oo ah kuwa diyaaradaha xambaara. Markabkan cusub ayaa noqonaya kii labaad ee dalkaasi sameeyo, balse wuu ka weyn yahay kii hore, waxaana dhererkiisu gaarayaa 300 oo mitir.
Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad maanta ka dhacday magaalada Istanbul oo lagu daah-furayay maraakiib iyo doonyo dagaal oo casri ah oo ay Turkigu gudaha dalkooda ku sameeyeen.
Halkan hoose kaga bogo qodobada ugu muhiimsan ee uu Madaxweynuhu ka hadlay:
1. Awoodda Turkiga ee dhanka Badda
Erdogan wuxuu sheegay in Turkigu uu hadda ka mid noqday 10-ka waddan ee adduunka ugu horreeya ee iyagu iskood u nashqadeeya, una dhista maraakiibtooda dagaalka, kadibna badda ku soo daaya.
2. Ujeedka Hubka Casriga ah
Wuxuu caddeeyay in dhammaan mashaariicda difaaca ee Turkigu wado aanay ahayn kuwo dagaal lagu doonayo, balse ay yihiin kuwo lagu ilaalinayo nabadda, madax-bannaanida dalka iyo mustaqbalka Turkiga. Wuxuu sheegay inay xoojinayaan awooddooda dhulka, badda, cirka iyo dhanka internet-ka (Cyber).
3. Dhoofinta Hubka iyo Dhaqaalaha
Turkiga ayaa galay kaalinta 11-aad ee dunida xagga dhoofinta agabka difaaca. Sannadkii hore (2024), 11-kii bilood ee ugu horreeyay, dhoofinta hubka Turkiga waxay kor u kacday 30%, iyadoo qiimaheedu gaaray in ka badan 7.4 bilyan oo doollar.
4. Maraakiibta iyo Doonyaha Cusub ee la soo bandhigay
Munaasabadda maanta waxaa lagu soo bandhigay agab casri ah oo ay Turkigu sameeyeen, waxaana ka mid ah:
Gujiska "Hızır Reis": Waa markab gujis ah oo awood u leh inuu badda hoosteeda maro isagoo aamusnaan ku shaqaynaya, waxaana loogu yeeray "Ilaaliyaha Qaranka ee Badda Moolka dheer".
Markabka "TÇG-159": Waa markab cusub oo loogu talagalay in ciidamada lagu dejiyo xeebaha, sidoo kalena loo isticmaalo gurmadka bini'aadanimo xilliyada nabadda iyo badda kacsan labadaba.
Doonida "ULAQ": Waa doon dagaal oo aanay cidina wadin, waxayna ku shaqaysaa caqliga macmalka ah (AI). Waa astaan muujinaysa horumarka dhanka tiknoolajiyadda, waxaana matoorkeeda (90%) sameeyay injineero Turki ah.
Markabka "Sefinehisar": Waxaa maanta la billaabay dhismaha markabkan oo noqon doona mid ilaaliya badaha fog.
5. Iskaashiga Turkiga iyo Pakistan
Erdogan wuxuu kaloo ka hadlay mashruuc ay maraakiib ugu dhisayaan dalka Pakistan.
Heshiiskan oo la saxiixay Sebtembar 2018, wuxuu dhigayaa in Turkigu dhiso 4 markab oo kuwa dagaalka ah.
Markabkii 1-aad (PNS Babur) waxaa la wareejiyay bishii May 2024.
Maanta waxaa Pakistan lagu wareejiyay markabkii 2-aad oo la yiraahdo "PNS Khyber", kaas oo si guul ah ku maray tijaabooyinkii.
Labada markab ee soo haray (PNS Badr iyo PNS Tariq) waxaa lagu dhisayaa Karachi, waxaana la qorsheynayaa in la wareejiyo Juun 2026 iyo horraanta 2027.
Ugu dambayntii, Erdogan wuxuu ammaanay xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee ka dhexeeya Turkiga iyo Pakistan, isagoo rajeeyay in maraakiibtan casriga ah ay noqdaan kuwo khayr u leh ciidamada badda ee Pakistan.


