"The Disrupter": Hubkii Sirta Ahaa ee Jilbaha Dhulka u Dhigay Maduro – Faahfaahinta Hawlgalkii Caracas
Maraykanka oo shaaciyay hub cusub oo loo adeegsaday hawlgalkii Caracas.
Dunida ayaa weli la dhacsan qaabkii degdegga ahaa ee ciidamada gaarka ah ee Maraykanku ay magaalada Caracas uga soo qabteen Madaxweynihii Venezuela, Nicolas Maduro, iyo xaaskiisa Cilia Flores horraantii bishan. Hadda, tafaasiil cusub oo soo baxaysa ayaa muujinaysa in guusha hawlgalkaas aanay ku imaan awood ciidan oo caadi ah, balse loo adeegsaday hub qarsoodi ah oo aan hore loo arag.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo waraysi siiyay wargeyska New York Post, ayaa daaha ka rogay in guusha hawlgalkaasi ay ku tiirsanayd hub cusub oo loo bixiyay "The Disrupter" (Qase ama Wareeriye). Hubkan, oo sidiisa u ah mid sir ah, ayaa la sheegay inuu curyaamiyay dhammaan nidaamkii difaaca iyo isgaarsiinta ee ciidamada Maduro daqiiqado ka hor inta aysan diyaaradaha Maraykanku cago-dhigan.
Tiknoolajiyad Curyaamisay Gantaalaha Ruushka
Sida uu sheegay Madaxweyne Trump, hubkan "Wareeriyaha" ah wuxuu hawlgab ka dhigay qalabkii difaaca ee Venezuela oo ay ku jiraan gantaalo casri ah oo ay farsameeyeen Ruushka iyo Shiinaha.
"Gantaalahooda ma aysan ridi karin gabi ahaanba," ayuu yiri Trump. "Waxay haysteen gantaalada Ruushka iyo kuwa Shiinaha, laakiin midna ma shaqayn. Waxaan galnay gudaha, iyaguna waxay riixayeen badhamada, laakiin waxba ma dhicin. Si buuxda ayay noogu diyaar sanaayeen, haddana waxba ma aysan sameyn karin."
Hadalkan ayaa iftiiminaya heerka sare ee tiknoolajiyadda dagaalka ee Maraykanku gaaray, taas oo u ogolaatay in hawlgal halis ah lagu soo gabagabeeyo iyada oo aan hal askari oo Maraykan ah dhiiggiisu daadan.
"Madaxayga ayaa ku sigtay inuu qarxo"
Dhinaca kale, warbixinnada laga helayo gudaha Caracas ayaa sawir ka bixinaya saamaynta jireed ee hubkan uu ku yeeshay ilaaladii gaarka ahayd ee Maduro. Warbixin ay qortay Aljazeera oo soo xiganaysa markhaatiyaal goob-joog ahaa, ayaa xaqiijinaya in ciidamadii ilaalada ahaa ay la kulmeen xaalad caafimaad darro oo degdeg ah oo argagax leh.
Mid ka mid ah ilaalada Maduro ayaa yiri: "Dhammaan raadaaradeennu way istaageen fasiraad la'aan. Waxaan aragnay diyaarado aan duuliye lahayn (Drones), kadibna waxaa yimid mowjad dhawaaq oo aad u daran. Waxaan dareemay in madaxaygu qarxayo."
Askarta ayaa la sheegay inay sanka ka dhiigeen, qaarkoodna dhiig mantageen, iyagoo dhulka ku dhacay awoodna u waayay inay istaagaan ama hubkooda adeegsadaan. Tani waxay dhalisay tuhun ah in hubkan uu la xiriiro tiknoolajiyadda "tamarta garaaca" (pulse energy), taas oo hore loola xiriiriyay dhacdooyinkii Havana Syndrome.
Mustaqbalka Venezuela iyo Damaca Maraykanka
Qabashada Maduro kadib, maamulka Washington ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo la xiriira mustaqbalka Venezuela. Trump ayaa caddeeyay in Maraykanku maamuli doono xilliga kala guurka ah, isagoo si cad u sheegay in shirkadaha shidaalka ee Maraykanka loo diri doono dalkaas si ay u maalgashadaan qaybta saliidda.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid wax weyn ka beddeli doonta khariidadda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Koonfurta Ameerika, iyadoo "The Disrupter" uu noqonayo farrinta ugu culus ee Maraykanku u diray dalalka kasoo horjeeda siyaasaddiisa.
Xigasho: Aljazeera


