Tartanka Diyaaradaha Dagaalka ee Jiilka Lixaad (6th Gen)
Hogaanka Maraykanka, Xowliga Shiinaha, iyo Soo-bixitaanka Turkiga ee Saaxadda Dagaalka Casriga ah.
Dunida maanta waxaa ka jira tartan adag oo loogu jiro soo saarista diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad. Inkastoo waddamo badan aysan weli haysan jiilka shanaad, haddana waddamada waaweyn waxay u gudbayaan heerka xiga. Sababtu waxay tahay cabsi laga qabo in awoodda jiilka shanaad ay hadda sii duugoobeyso.
Waa Maxay Diyaaradaha Jiilka Lixaad?
Weli si rasmi ah looma qeexin, laakiin waxaa la filayaa inay soo baxaan inta u dhaxaysa 2030-yada ilaa 2040-yada. Hadda ma jirto mid si toos ah u shaqeysa, laakiin tusaalaha ugu horreeya ee la filayo waa B-21 Raider (diyaarad qarsoodi ah oo bambaanooyinka tuurta), taasoo soo bixi doonta 2027.
Astaamaha ugu waaweyn:
Iskaashiga Drones-ka: Diyaaradda weyn waxaa garab socon doona diyaarado yaryar oo aan duuliye lahayn (CCA) si ay u caawiyaan.
Isku-xirka Sare: Waxay yeelan doonaan qalab aad u casri ah (sensors) iyo isku-xir shabakadeed oo xooggan.
Matooro Casri ah (Adaptive Engines): Matooro awood u leh inay isku bed-beddelaan habka xawaaraha sare (dagaalka) iyo habka kaydinta shidaalka (masaafo dheer), iyadoo loo eegayo hadba baahida jirta.
Qarsoodi Sare (Stealth): Tiknoolajiyad aad u sarreysa oo ka dhuuman karta raadaarada kala duwan.
Awoodda Xogta: Muhiimadu ma ahan oo kaliya xawaaraha diyaaradda, balse waa maamulidda xogta dagaalka.
Doorka Duuliyaha: Duuliyuhu dagaal toos ah ma geli doono, wuxuuna noqonayaa “Taliye Hawlgal” oo maamula xogta iyo aaladaha kale si uu u badbaado.
Wadamada Ugu Waaweyn ee Tartanka Ku Jira
Tartankan wuxuu u dhexeeyaa wadamo yar oo awood badan.
1. Maraykanka: Hogaamiyaha
Maraykanka ayaa ugu horreeya tartankan.
Barnaamijka NGAD: Waa mashruuca ugu horumarsan. Diyaaradda tijaabada ah waa ay duushay, inkastoo aan la arag.
Qorshaha: Waxay isku diyaarinayaan Shiinaha iyo dagaalka aagga Indo-Pacific. Waxay xoogga saarayaan dhuumashada iyo wada-shaqeynta drones-ka.
Caqabadda: Barnaamijka waa la hakiyay dhawaan sababo la xiriira kharashka oo aad u batay (boqolaal milyan halkii diyaarad), taasoo yareyn karta tirada la soo saarayo.
2. Shiinaha: Tartamaha Dhabta ah
Waa wadanka kaliya ee sida dhabta ah ula tartamaya Maraykanka.
Guulaha: Waxay horey u haysteen J-20 oo ah jiilka 5-aad.
Horumarka Cusub (J-36): Sawirro cusub ayaa muujinaya diyaarad jiilka 6-aad ah oo leh naqshad dabo la’aan ah iyo saddex matoor.
Xawaaraha: Tusaalaha labaad ayaa la arkay 10 bilood un kadib kii hore, taasoo muujinaysa horumar degdeg ah.
Matoorka: Waxay sameeyeen matooro leh qaab cusub oo lagu xallinayo dhibaatooyinka dhaqdhaqaaqa iyo xasiloonida.
Awoodda: Shiinuhu wuxuu ku fiican yahay soo-saarista degdega ah, in kasta oo matooradooda ay marar hore cillado lahaayeen.
3. Turkiga: Awoodda Cusub ee Soo Kordheysa
Turkiga si xoog leh ayuu u soo galay saaxadda.
KAAN: Waa diyaarad jiilka 5-aad oo loogu talagalay inay beddesho F-16, qorshuhuna yahay inay gaarto heerka jiilka 6-aad.
KIZILELMA: Waa diyaarad dagaal oo aan duuliye lahayn, aadna u dheereysa.
Istiraatiijiyadda: Diyaaradda KAAN ayaa hawada ku maamuli doonta dhowr KIZILELMA ah. Tani waxay Turkiga ka dhigaysaa hormuudka isku-xirka diyaaradaha dadka wada iyo kuwa aan duuliyaha lahayn.
4. Yurub: Way Dib Dhacsan Yihiin
Yurub way ka dambeeyaan Maraykanka iyo Shiinaha.
Dhibaatada: Waxay leeyihiin laba mashruuc oo is-barbaryaacaya (FCAS iyo Tempest), taasoo keenaysa kharash badan iyo kala daadsanaan.
Natiijada: Inkastoo ay shirkado fiican haystaan, siyaasad ahaan way kala qaybsan yihiin, lamana filayo inay ka horreeyaan Maraykanka iyo Shiinaha.
5. Ruushka: Hammi aan Awood Lahayn
Ruushku wuxuu rabaa inuu tartamo, laakiin awooddiisa ayaa yar.
Fashilka Jiilka 5-aad: Diyaaraddooda Su-57 way ku guuldareysteen inay tiro badan soo saaraan (kaliya 30 xabbo ayaa jirta, halka F-35 ay ka tahay 1,000+).
Cabsida: Way ka baqeen inay Su-57 geeyaan dagaalka Ukraine si aysan u burburin, taasoo shaki gelisay macaamiisha caalamka.
Mustaqbalka: Cunaqabateyn iyo dhaqaale xumo awgeed, aad bay u adag tahay in Ruushku uu soo saaro diyaarad jiilka 6-aad dhawaan.
Gunaanad
Tartankan waa mid dhab ah laakiin ku kooban wadamo yar oo qani ah. Maraykanka iyo Shiinaha ayaa safka hore ku jira. Turkigu wuxuu la imanayaa qorshe cusub oo isku xiraya diyaaradaha iyo drones-ka, halka Yurub iyo Ruushka ay wajahayaan caqabado waaweyn oo xagga siyaasadda iyo dhaqaalaha ah.



