Golaha Ammaanka oo Isniinta u fadhiisanaya arrinta Soomaaliya iyo Kacdoonka Jaamacadda Carabta
Arrinta aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ayaa si rasmi ah u gashay heerka ugu sarreeya ee diblomaasiyadda caalamka.
Tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland ayaa isu beddeshay xiisad diblomaasiyadeed oo caalami ah, iyadoo saacadaha soo socda la filayo inay go’aamiso jihada ay arrintani u socoto. Xaaladda ayaa hadda ka gudubtay heer gobol, waxaana la geeyay miiska ugu sarreeya ee siyaasadda adduunka: Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Isniinta iyo Go’aanka New York Wararka rasmiga ah ayaa xaqiijinaya in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu yeelan doono kulan degdeg ah maalinta Isniinta, saacaddu markay tahay 3:00 galabnimo ee waqtiga New York.
Kulankan, oo ay gadaal ka riixayaan dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo xulafadooda, ayaa ujeedkiisu yahay in Israa’iil lagu cadaadiyo inay ka laabato aqoonsiga, iyadoo loo cuskanayo sharciga caalamiga ah ee ilaalinaya midnimada dowladaha. Danjiraha Israa’iil ee Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa qiray culeyska jira, balse wuxuu muujiyay in Tel Aviv aysan diyaar u ahayn inay dib u gurato, isagoo yiri: “Kama gabanayno doodaha siyaasadeed”.
Kacdoonka Jaamacadda Carabta iyo Isbaheysiga 21-ka Dal Inkastoo Jaamacadda Carabta ay tahay hormuudka dhaqdhaqaaqan, haddana baaxadda diidmada ayaa sii ballaaratay. Bayaanka ugu culus waxaa si wadajir ah u soo saaray Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee 21 Dowladood, kuwaas oo isugu jira xubnaha Jaamacadda Carabta iyo dalal kale oo Islaam ah oo miisaan culus leh.
Isbaheysigan oo ay ku jiraan quwadaha sida Turkiga, Sacuudiga, Masar, Iiraan, Pakistan, Qatar, Urdun, Ciraaq iyo Nigeria, ayaa tallaabada Israa’iil ku tilmaamay “Tallaabo aan hore loo arag oo halis ah” oo aan la aqbali karin.
Qodobka ugu xasaasisan ee ay wadamadan diiradda saareen ma ahan kaliya siyaasadda, balse waa Amniga. Waxay si cad u sheegeen in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu yahay “xad-gudub qaawan” oo halis gelinaya nabadda Badda Cas iyo Geeska Afrika, taas oo muujinaysa in arrinta loo arko mid milatari iyo istiraatiijiyad.
Midowga Yurub oo diiday kala-qeybinta Dhabar-jabka kale ee soo wajahay qorshaha Ra’iisul Wasaare Netanyahu waa go’aanka Midowga Yurub (EU). Warbixin kasoo baxday Xafiiska Xiriirka Dibadda ee Midowga Yurub ayaa meesha ka saartay rajadii ahayd in dalal Reer Galbeed ah ay taageeraan aqoonsiga.
Midowga Yurub wuxuu caddeeyay in ixtiraamka midnimada, madax-bannaanida iyo bed-qabka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin “udub-dhexaadka xasilloonida gobolka”. Waxay xasuusiyeen dhinacyada in Dastuurka Midowga Afrika iyo Cahdiga Qaramada Midoobay ay waajibinayaan in la dhowro midnimada Soomaaliya, iyagoo ku baaqay wada-hadal dhab ah halkii laga qaadi lahaa tallaabooyin hal dhinac ah.
Maxaa Xigi Doona? Indhaha caalamka ayaa hadda ku sii jeeda magaalada New York. Haddii Golaha Ammaanka uu soo saaro qaraar ama bayaan madaxweyne oo lagu diidayo aqoonsiga, waxay noqon doontaa guul weyn oo dhanka sharciga ah oo ay gaarto Dowladda Soomaaliya, iyadoo Israa’iil iyo Somaliland ay wajihi karaan go’doon diblomaasiyadeed oo buuxa.
Xigasho: Warbaahinta Caalamka


