QAYBTA 2AAD: ARDAYGII HAMIGA LAHAA IYO DHIBBANAHA KHIYAANADA XULAFADA
Qore: Maxamed Al-Mukhtaar Al-Shanqiiti
QAYBTA 2AAD: ARDAYGII HAMIGA LAHAA IYO DHIBBANAHA KHIYAANADA XULAFADA
Arday leh Himilo iyo Hadaf
Osdemir wuxuu wiilashiisa uga tagay qoys diinta ku dheggan oo isku duuban, xubnihiisuna ay yihiin kuwo aad isugu xiran, oo aad ugu dadaala waxbarashada iyo cilmiga, iyo hal-abuurka warshadeed, oo ay weheliso guul la taaban karo oo dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga ah. Sifooyinka iyo dhaqanka qoyskaas weli si cad ayay uga dhex muuqdaan qoyska Saljuuq, hooyadiis Jinaan weli waxay kala shaqaysaa wiilasheeda shirkadda illaa maanta. Markii qoyska Saljuuq uu ballaartay sannadkii 2016, guurkiisii Sumayya Erdogan, gabadha Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan, jawiga qoyska wax badan iskama beddelin. Waayo, qoyska Erdogan iyaguna waxay ka soo jeedaan gobolka Badda Madow, gaar ahaan magaalada "Rize" oo u dhow magaalada Trabzon.
Marka laga soo tago inay isku deegaan yihiin, labada qoys waxaa ka dhexeeya ku faanidda diinta Islaamka, waddaniyadda, iyo taageerada fikirka Najmudiin Arbakaan, iyo ku dadaalidda in Turkiga la horumariyo, loona soo dhiciyo maqaam u qalma saaxadda caalamiga ah. Sidoo kale waxaa Saljuuq iyo Sumayya mideeya inay ka qalin-jabiyeen jaamacado Maraykan ah; Sumayya waxay ka qalin-jabisay Jaamacadda Indiana ee Maraykanka iyadoo ku takhasustay cilmiga bulshada iyo siyaasadda, waxayna wax ku biirisay dhaqdhaqaaqa ururrada Islaamka ee Maraykanka. Waxbarashadeeda Maraykanka waxay ahayd qasab, ma ahayn doorasho, sababtoo ah xijaabka Islaamka oo laga mamnuucay jaamacadaha Turkiga, in kasta oo aabbaheed uu ahaa Ra'iisul Wasaare xilligaas!
Saljuuq wuxuu waxbarashadiisa dugsiga hoose ka bilaabay iskuul Turki ah, kadibna wuxuu waxbarashadiisa dugsiga dhexe iyo sare ku qaatay Dugsiga Robert College ee Maraykanka ee ku yaalla Istanbul, waana iskuul gaar ah oo ay dhigtaan dadka ladan, wuxuuna ka qalin-jabiyay sannadkii 1997, isagoo mar walba ku sarreeyay maaddooyinka Xisaabta iyo Fiisigiska. Sidoo kale, xiisaha uu u qabay kombiyuutarka iyo barashada barnaamij-samaynta (programming) isagoo toddobo jir ah, ayaa ku dhiirrigelisay inuu barto takhasuska Injineernimada Elektaroonigga. Hibadiisa farsamo waxay soo shaac-baxday isagoo aad u yar. Tusaale ahaan, isagoo weli kuray ah, wuxuu sameeyay aalad biyo ku shubta marka saacaddu dhawaaqdo, si uu ugu kaco salaadda Subax.
Jaamacadda Farsamada ee Istanbul ayuu Saljuuq ku bartay Injineernimada Elektaroonigga iyo Isgaarsiinta, isla markaana wuxuu ka shaqaynayay shirkadda aabbihii, si uu aqoonta uu baranayo ugu tijaabiyo shaqada, sidaas darteed wuxuu la qabsaday inuu aqoonta aragtida u beddelo guulo la taaban karo. Kaddib wuxuu u safray dhammaystirka waxbarashada sare laba jaamacadood oo fac weyn oo Maraykan ah: Jaamacadda Pennsylvania, iyo Machadka Tiknoolajiyadda ee Massachusetts (MIT).
Wuxuu shahaadada Master-ka ka qaatay labada jaamacadoodba, tii hore sannadkii 2004, tii labaadna sannadkii 2006. Buugga qalin-jabinta ee Jaamacadda Pennsylvania wuxuu ku saabsanaa isku-xirka kooxaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, halka buugga MIT uu cinwaankiisu ahaa: "Xeeladaha Dejinta Adag ee Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn". Wuxuuna soo bandhigay hab cusub oo lagu dejiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn xaaladaha cimilada ee adag, iyo meelaha aan caadiga ahayn, sida derbiyada iyo saqafyada guryaha, iyo in loo wado hab toos ah (vertical) kacitaan iyo degitaanba.
Wuxuu buuggiisa qalin-jabinta soo bandhigay bishii Febraayo 2006, Saljuuq wuxuu bogga hibeeynta buugga ku bilaabay mahadnaqa Alle (SWT) nicmooyinkiisa aan la soo koobi karin, kaddibna wuxuu u mahadceliyay macallinkiisii kormeeraha ahaa Eric Feron, iyo tiro ka mid ah asxaabtiisa jaamacadda, wuxuuna u mahadceliyay "Ururka Ardayda Muslimiinta" ee Machadka MIT (MAS-MIT) saamaynta weyn ee ay ku yeesheen awgeed, wuxuuna hibeynta ku soo gabagabeeyay u mahadcelinta aabbihii iyo hooyadiis jacaylkooda iyo taageeradooda aan la soo koobi karin.
Intii uu waxbarashada ku jiray, Saljuuq wuxuu aabbihii kala sheekaysan jiray sidii aqoonta uu baranayo loogu isticmaali lahaa shirkadda qoyska. Sidaas darteed, sannadkii 2003 ayay sameeyeen koox yar oo naqshadaysa diyaarad yar oo aan duuliye lahayn (Drone). Tallaabadaasina waxay ahayd bilowgii guulaha waaweyn ee maanta la arkayo.
Saljuuq wuxuu heer sare ka gaaray waxbarashadiisii sare ee Jaamacadda Pennsylvania iyo Machadka MIT. Hibadiisa waxaa la dhacay macallimiin Maraykan ah oo ku takhasusay tiknoolajiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xilligaas oo cilmigaasi uu ahaa mid ku cusub dunida. Wuxuu mashaariic cilmi-baaris ah la sameeyay macallimiin Maraykan ah. Waxaa ka mid ahaa George Pappas oo ka tirsan Jaamacadda Pennsylvania, iyo Eric Feron oo ka tirsan Machadka Tiknoolajiyadda ee Georgia, isla markaana ahaa macallinkii kormeerayay buugga qalin-jabinta Saljuuq ee jaamacadda MIT.
Saljuuq wuxuu waxbarashadiisa jaamacadeed ku soo xiray cilmi-baarisyo qoto dheer oo uu daabacay. Wuxuu ka qaybqaatay shirar cilmiyeed la xiriira tiknoolajiyadda duulista. Cilmi-baarisyadaas waxay diiradda saarayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, nidaamyada xisaabeed ee ay ku shaqeeyaan, hababka hagidda, iyo sida ay u wada shaqeeyaan kooxaha diyaaradahaa. Waxaa cilmi-baarisyadaas qaarkood kala shaqeeyay khubaro Turki ah, sida Ismail Lazoglu oo ka tirsan Jaamacadda Koç, iyo Tolga Büyük yazı oo isla jaamacaddaas ka tirsan. Sidoo kale waxaa cilmi-baarisyada qaarkood kala qaybqaatay walaalkiis Injineer Haluuq Bayraktar.
Waxay u muuqataa in Haluuq uu yahay qofka ugu dhow Saljuuq marka la eego asalka waxbarashada iyo xiisaha xirfadeed. Waxay yihiin laba nin oo si weyn isaga kaashada warshadaha militariga, oo mid walba uu kan kale dhammaystiro. Haluuq waa injineer iyo ganacsade hibo leh, waana Madaxa Fulinta ee shirkadda Baykar, gacantana ku haya arrimaha maamulka iyo maaliyadda, halka Saljuuq uu maamulo arrimaha farsamada. Haluuq wuxuu ka qalin-jabiyay Jaamacadda Farsamada ee Bariga Dhexe (METU) ee Istanbul, isagoo ku takhasusay Injineernimada Warshadaha, kaddibna wuxuu waxbarashadiisa sare ku dhammaystay Jaamacadda Columbia ee Maraykanka dhinaca Injineernimada Maaliyadda. Wuxuuna billado ka helay dalal dhowr ah, gaar ahaan dalalka iibsaday diyaaradaha Bayraktar.
Si guud waxaa la oran karaa Saljuuq muddadii uu waxbarashada u joogay Maraykanka ma ahayn arday caadi ah, oo hamigiisa ugu weyn yahay inuu helo shahaado jaamacadeed oo uu ku faano, ama shaqo uu ku noolaado. Balse wuxuu ahaa arday leh hami iyo risaalo ka weyn kana sharaf badan intaas oo dhan.
Casharrada Taariikhda iyo Dhismaha Mustaqbalka
Waxaa indhahayga soo jiitay buugaag badan oo daadsan miisaska xafiiska Selçuk, waxaana la yaabay in qaar ka mid ah buugaagtaas aysan wax xiriir ah la lahayn tiknoolajiyadda ama duulista. Taa beddelkeeda, waxay ka hadlayeen marxalado ka mid ah taariikhda Dawladdii Cusmaaniyiinta, Ilbaxnimada Islaamka, iyo siirada qaar ka mid ah dadkii ugu waaweynaa ee taariikhda Islaamka, Laakiin markii aan la sheekaystay, yaabkii wuu iga baxay. Waxaa ii caddaatay in ninkani uu leeyahay xasuus taariikheed, taasoo xambaarsan faan qoto dheer oo ku saabsan guulihii ilbaxnimada Islaamka iyo mirahoodii cilmiga, iyo weliba hormuudkii wershadaha duulista ee Turkiga casriga ah.
Waxaan weydiiyey Selçuk sida uu dhaxalka cilmiga ee ilbaxnimada Islaamka uga dhex helay dhiirigelin? Iyo sababta uu ugu baaqayo in laga shidaal qaato dhaxalkaas cilmiga ah lagana dhigto sahay mustaqbalka? Iyo waa kuwee dadka ku dayashada mudan dhanka cilmiga iyo shaqada ee uu ku faano, uuna u arko inay dhiirigelin u yihiin noloshiisa iyo guulihiisa? Wuxuu ku jawaabay in dhiirigeliyaha ugu weyn isaga—iyo aadanaha oo dhan—uu yahay Rasuulka (SCW), ka dibna khulafadiisii toosneyd: Abu Bakar, Cumar, Cali, iyo Cusmaan (RC), “waayo siirada noloshooda iyo mabaadi’dooda anshaxeed waa nuur noo iftiimaya mar kasta.”
Sidoo kale, wuxuu dhanka ku dayashada cilmiga xusay Badicu-Zamaan Al-Jazari (1136-1206M) sababtoo ah “waa injineerkii ugu horreeyay ee sameeya mashiino loo aqoonsan karo aaladaha Robot-ka macno ahaan,” isagoo raaciyey: “Anigu waxaan ka tirsanahay dugsiga fikirka ee Al-Jazari, maadaama aan ku takhasusay aaladaha Robots-ka.” Selçuk wuxuu gaariga duula ee uu horumarinayo sannadaha badan u bixiyey “Cezeri” (Jazari), kaas oo ah mashruuc hormuud ah oo dhanka gawaarida duula, kuna saleysan farsamooyinka garaadka macmalka ah (AI). Gaarigan wuxuu ku sifoobay fududaan, dabacsanaan, iyo adkeysi, wuxuuna ku shaqeeyaa baytari koronto oo la dabaysan karo, wuxuuna u kacaa si toos ah (vertical take-off), iyadoo intaasina ay u dheertahay in loo qaabeeyey si waafaqsan shuruudaha “Tiknoolajiyadda Cagaaran” ee aan deegaanka wasakhayn.
Shirkadda Baykar waxay gaarigan duula ee "Jazari" u samaysay si ay u xalliso dhibaatooyinka aasaasiga ah ee magaalooyinka waaweyn, sida yareynta ciriiriga waddooyinka. Waxaa kaloo loogu talagalay in lagu dedejiyo hawlaha aan dib-u-dhaca aqbali karin, sida gaarsiinta daawada iyo agabka kale ee degdegga ah dadka u baahan, iyo in gacan weyn laga geysto hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta ee aagagga qallafsan ee ay adag tahay in gawaarida caadiga ah ay gaaraan. Gaariga duula ee "Jazari" wuxuu sidoo kale ku habboon yahay isticmaalka militariga, isagoo noqonaya aalad lagu caawiyo askarta ama loogu gurmado meelaha fogfog.
Al-Jazari oo uu Selçuk Bayraktar ku faano inuu ka tirsan yahay dugsigiisa, wuxuu ahaa injineer iyo hal-abuure Muslim ah oo ku noolaa xaruntii boqortooyada "Artuqid" (Urtuqi) ee Turkumaanka, kuwaas oo magaalada Quddus wakiil uga ahaa Boqortooyadii Saljuuqiyiinta, kaddibna u wareegay dhulka Al-Jasiira Al-Furaatiya (oo maanta ah koonfur-bari Turkiga), halkaas oo ay ka dhisteen dowlad xarunteedu tahay magaalada Mardin. Boqortooyadaasi waxay deegaankaas xukumaysay in ka badan saddex qarni (1108-1410M). Xukunkoodu wuxuu caan ku ahaa badnaanta Waqfiyada (Awqaaf), sida dhismaha dugsiyada, masaajidda, iyo xarumaha zawaayada, waxayna lahaayeen taariikh sharaf leh oo ay kaga hortageen duullaankii Saliibiyiinta iyo duullaankii Mongols-ka ee lagu soo qaaday caalamka Islaamka. Socdaalihi caanka ahaa ee Ibn Batuuta (1304-1375M) ayaa booqday magaalada Mardin dhammaadkii xukunkii Artuqid-ka, wuxuuna ku tilmaamay kitaabkiisa caanka ah ee safarka inay tahay "mid ka mid ah magaalooyinka Islaamka ugu quruxda badan, ugu yaabka badan, uguna suuqyada wanaagsan."
Deegaankan ayuu ku barbaaray Badicu-Zamaan Al-Jazari, oo ka mid ah injineerada ugu caqliga badan taariikhda Islaamka iyo tan aadanaha, waana mid ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee naqshadeeyey mashiinada iskood u dhaqaaqa iyagoo isticmaalaya qulqulka biyaha. Waxaa ka mid ah saacadaha, iyo mashiinada waraabka iyo maamulka biyaha. Fikradihiisa waxaa loo arkaa inay aasaas u yihiin dhinacyo badan oo ka mid ah kacaanka warshadaha casriga ah. Sababo la xiriira caqli badnaantiisa dhanka injineernimada iyo ikhtiraacitaankiisa badan, Al-Jazari wuxuu gaaray darajada madaxa injineerada ee qasriga Artuqid-ka. Wuxuu ku daray in badan oo ka mid ah ikhtiraacyadiisa warshadeed buuggiisa: "Kulmiyihii Cilmiga iyo Camalka waxtarka leh", wuxuuna ku sharaxay sharaxaad waafi ah oo wadata sawirro qeexaya oo cajiib ah. Reer Galbeed badan ayaa ka shidaal qaatay fikradaha Al-Jazari xilligii Kacaanka warshadaha, waxaana kamid ah dadka wax badan ka faa'idaystay injineerka iyo farshaxaniistaha Talyaaniga ee caanka ah Leonardo da Vinci (1452-1519).
Isagoo ka duulaya dhiirigelintaas, Selçuk wuxuu sannadkii 2022 aasaasay shirkad takhasuskeedu yahay tiknoolajiyadda hawada sare, taas oo la yiraahdo “Fergani,” oo loogu magac daray cirbixiyeenkii Turkiga ahaa ee Axmed Bin Katiiir Al-Farghani, kaas oo asal ahaan ka soo jeeda Fargana (dalka Uzbekistan maanta). Wuxuu ku noolaa Baqdaad qarnigii saddexaad ee Hijriyada, wuxuuna ka mid ahaa cirbixiyeennada ugu caansan qasriga Khaliifkii Cabbaasiyiinta ee Al-Mutawakkil (820-861M). Wuxuu qoray buugaag cilmi oo Carabi ah, waxaana ka mid ah buugga: “Dhaqdhaqaaqa Samada iyo Cilmiga Xiddigaha.” Sidoo kale waxaa la aaminsan yahay inuu naqshadeeyey cabbirka lagu ogaado heerka biyaha webiga Niil.
Sidoo kale, Saljuuq wuxuu cashar iyo waayo-aragnimo ka qaatay hormuudkii hore ee Turkiga ee dhinaca warshadaha difaaca. Kuwaas waxaa ka mid ah ganacsadaha iyo siyaasiga Nuuri Demirag (1886-1957), iyo duuliyaha ciidanka Wajiixi Hurkush (1896-1969). Nuuri wuxuu aasaasay shirkad dhinaca warshadaha duulista sannadkii 1936, wuxuuna ku guuleystay inuu sameeyo diyaaraddii ugu horreysay ee Turki ah. Laakiin mashruucii wuu istaagay Dagaalkii Labaad ee Adduunka kaddib, iyadoo qayb ka ahayd ballanqaadyadii Turkiga ee xulafadiisa Reer Galbeedka. Halka Wajiixi uu sameeyay diyaarado soddomeeyadii qarnigii labaatanaad, uuna bixiyay dadaal dheer si loo aasaaso warshadaha duulista ee qaranka Turkiga, laakiin dadaalkiisii wuxuu ku dhammaaday niyad-jab sababo la xiriira caqabado gudaha iyo dibadda ah.
Sidaas darteed, la yaab ma aha in shirkadda Baykar ay ku ammaanto aragtideeda lagu daabacay boggeeda internetka dhaxalka Nuuri Demirag iyo Wajiixi Hurkush, ayna u aragto socdaalkeeda inuu yahay dib-u-bilaabidda dadaalkoodii hormuudka ahaa, iyadoo la higsanayo in dib loo soo nooleeyo dadaalkaas la joojiyay, si loo gaaro horumar adag oo waara oo dhinaca duulista militariga ah. Saljuuq Bayraktar wuxuu guulihiisa ku dhisay inuu cashar ka barto waayo-aragnimada hormuudkaas hore, iyo inuu xaqiijiyo inaan dadaalkiisa la aasin, sidii dadaalkoodii hore loo aasay. Sidaas darteed, waxaa hadalladiisa ku soo noqnoqda ku adkaysiga "in meesha laga saaro caqabadaha... si aynaan mar kale ugu fashilmin sidii hore," iyo baahida loo qabo "in la xaqiijiyo in taariikhdu aysan dib isku soo celin." Sababtoo ah Turkigu ma gaarin heerkan hal-abuurka ee caalamka Drones-ka illaa laga soo gudbay tijaabooyin qallafsan iyo kuwo niyad-jab leh.
Xulafada aan Daacadda ahayn
Majaladda "Foreign Affairs" ee Maraykanka ma aysan buunbuunin markii ay qortay: "Barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga wuxuu ka dhashay niyad-jab laga qaaday waddamada shisheeye ee hubka ka iibiya." Saljuuq iyo aabbihii waxay bilaabeen horumarinta Drones-ka militariga iyadoo lagu jiro xaalad istiraatiiji ah oo xasaasi u ah Turkiga: halkaas oo kalsoonida u dhexaysa iyaga iyo xulafadooda Maraykanka ee ay hubka ka iibsan jireen ay hoos u dhacday, iyo iyadoo gobolka ay hareereeyeen xiisado siyaasadeed iyo dagaallo badan, taas oo ku qasabtay Turkiga inay dib u eegis ku sameeyaan caqiidadooda istiraatiijiyeed si dhammaystiran.
Hoos-u-dhaca kalsoonida xulafada Reer Galbeedka wuxuu si tartiib-tartiib ah u bilowday muddo dheer ka hor, waxaana bilow u ahaa Dagaalkii Sokeeye ee Qubrus sannadkii 1974, markii Maraykanku uu cunaqabatayn hubka ah saaray Turkiga muddo saddex sano ah, sababtoo ah faragelintii milatari ee ay ku badbaadinayeen Qubrusi-yiinta Turkiga ah (Turkish Cypriots) inaysan xasuuqin Qubrusi-yiinta Giriigga, ama inaan qasab lagu raacinin dalka Giriigga. Cunaqabatayntaas ka timid xulafada ugu dhow ee Turkiga waxay ahayd cashar qaraar, oo siyaasiyiinta Turkigu ay ka fahmeen in madaxbannaanida dhinaca warshadaha milatariga ay tahay albaabka laga galo madaxbannaanida go'aanka siyaasadeed iyo kan istiraatiiji.
Markii Maraykanku noqday hormuudka warshadaha Drones-ka sagaashameeyadii qarnigii labaatanaad, Turkigu wuxuu isku dayay inuu ka soo iibsado, laakiin Maraykanku wuxuu diiday inuu ka iibiyo Drones casri ah oo dabooli kara baahidooda amniga, iyagoo laga yaabo inay doonayeen inay Turkiga cidhiidhi galiyaan, kuna qasbaan inay ku tiirsanaadaan Israa'iil dhinacan, iyagoo Israa'iil ka doorbidaya naftooda iyo dadka kaleba, sida caadada u ah. Sidaas darteed Turkigu wuxuu u jeestay dhanka Israa'iil laga bilaabo sannadkii 2005, wuxuuna la galay heshiis lagu iibsanayo Drones-ka Israa'iil ee nooca "Heron", xaalad ay ku hareeraysan yihiin shaki badan iyo kalsooni-darro.
Israa'iiliyiintu weligood daacad uma ahayn Turkiga marka ay ka iibinayaan tiknoolajiyadda militariga oo qiimaheedu aad u qaali yahay. Turkigu wuxuu dhib kala kulmay la macaamilkooda arrinta Drones-ka, iyagoo dib u dhigi jiray bixinta diyaaradaha la iibsaday, illaa Turkigu uu ugu hanjabay inuu ganaax lacageed saarayo jebinta shuruudaha heshiiska awgeed. Kaddib waxaa Turkida u caddaatay in ku-tiirsanaanta Israa'iil ay khatar ku tahay amniga istiraatiiji ee Turkiga.
Wasiirkii hore ee Difaaca Turkiga, Nuuradiin Janikli, ayaa sheegay in toban ka mid ah diyaaradaha Heron ee Israa'iil ay ka iibisay Turkiga sannadkii 2010 ay lahaayeen cillad farsamo. Wasiirka ayaa yiri: "Israa'iiliyiintu si ula kac ah ayay sidaas u sameeyeen, si aanan u isticmaalin diyaaradahaas. Injineerada Israa'iil waxay kharribeen nidaamka sirdoonka ee diyaaradaha, sidaas darteed waxaan ogaannay inaan duqaynaynno dhagxaan kaliya, oo aan seegayno inta badan bartilmaameedyadayada." Waxaa intaas kasii daran in Israa'iil ay diiday inay Turkiga siiso qalabka dayactirka ee lagama maarmaanka u ah diyaaradaha Heron. Turkigu wuxuu hakiyay heshiiska intii u dhaxaysay 2008-2009 jawaab ahaan dagaalkii Israa'iil ku qaadday Qaza. Kaddib xiriirka milatari ee labada dhinac wuu xumaaday weerarkii Israa'iil ee markabka "Mavi Marmara" oo ciidanka Israa'iil ay ku dileen toban muwaadin oo Turki ah, kuwaas oo ku jiray safar garab istaag ah oo badda loo marayay Qaza.
Bishii Oktoobar 2020, taageerada loo hayo Ermeniya ayaa ku riixday Dowladda Canada inay mamnuucdo dhoofinta kaamirooyinka ay shirkadda Baykar ka soo iibsan jirtay Canada, kuwaas oo ay u isticmaali jirtay samaynta diyaaradaheeda, kaddib markii diyaaradahaasi ay gacan ka geysteen jabkii Ermeniya, iyo ka saaristoodii dhulka Azerbaijan ee la haystay. In kasta oo sannadkii xigay uu Canada ka bilowday olole shacab oo ballaaran oo lagu doonayo in lagu iibsado isla diyaaradaha TB2, oo laga iibsanayo isla shirkadda Baykar, si loo siiyo Yukreeniyaanka, kaddib markii la ogaaday waxtarka diyaaradahan ka dhanka ah Ciidanka Ruushka ee Yukreen... tani waxay tusaale cad u tahay laba-wajiilnimada iyo eexda Reer Galbeedka ee dhinacan.
Si guud waxaa la oran karaa diidmada Maraykanka ee iibka Drones-ka, iyo khiyaanada Israa'iil ee heshiiskii Heron, iyo isku-dayga dalal kale oo Reer Galbeed ah inay Turkiga ka cunaqabateeyaan dhinacan, oo lagu daray xusuustii cunaqabataynta hubka ee toddobaatameeyadii... dhammaantood waxay ahaayeen nimcooyin waaweyn oo Turkiga u soo hoyday, maxaa yeelay mawqifyadaasi waxay Turkiga ku riixeen inay go'aansadaan inay soo saartaan Drones-kooda gaarka ah, kana tanaasulaan ku-tiirsanaanta dadka kale, kaddib markii ay caddaatay in xulafada Reer Galbeedku aysan daacad ahayn, iyo in kuwa Turkigu wax ka iibsan jiray – sida Israa'iil – aan la aamini karin.
Xaaladahaas ayaa dhaliyay in qoyska Bayraktar ay masraxa soo galaan, waxaana soo baxay Selçuk, oo ah mid ka mid ah hal-abuurayaasha ugu caansan Turkiga iyo Adduunka, ee dhinaca Drones-ka militariga. Xaaladahaas adag ee u dhexeeyay Turkiga iyo Israa'iil, shirkadda "Baykar" oo ay hoggaaminayaan Osdemir iyo wiilashiisa Saljuuq iyo Haluuq, waxay horumariyeen Drones yaryar oo xeeladaysan (tactical) oo waxtar leh intii u dhaxaysay 2005 iyo 2007. Kaddib shirkaddu waxay horumarisay Drones kale oo ka waaweyn, kana waxtar badan, sida diyaaradda Bayraktar TB2 oo gashay kaydka Ciidanka Turkiga sannadkii 2014. Waana diyaaraddii ugu horreysay ee Turki ah ee loo dhoofiyo dibadda, iyadoo ay Qatar iibsatay, kaddibna Yukreen bilowgii, waxaana dalabka diyaaraddan uu kordhay tan iyo xilligaas illaa maanta.
Baykar waxay intaas kaddib horumarisay jiilka TB3 ee diyaaradaha dagaalka. Sannadkii 2019, Selçuk iyo kooxdiisu waxay dhammaystireen mashruuca diyaarada Akıncı, waana jiil Drones dagaal ah oo ka casrisan jiilkii hore, lehna awood weerar (hawo-ka-hawo iyo hawo-ka-dhul). Waxayna ku qalabaysan tahay rasaas caqli badan (smart munitions) oo Laser ku shaqaysa. Ugu dambayntii waxaa timid diyaaradda "Tufaaxa Guduudan" (Kızıl Elma) si ay u noqoto jawharadda tiknoolajiyadda Drones-ka ee Turkiga.
La soco Qaybta 3aad.


