Hyundai oo Turkiga ka bilaabaysa soo saarista Baabuurta Korontada 2026-ka
Shirkadda Hyundai ee dalka Turkiga ayaa shaacisay qorshe ay ku doonayso inay ku soo saarto baabuurteeda korontada ah gudaha dalkaas.
Maareeyaha Guud ee Iibka iyo Suuq-geynta shirkadda "Hyundai Motor Turkey", Murat Berkel, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Anadolu ku shaaciyay in shirkaddu ay qeybta dambe ee sannadka 2026-ka bilaabi doonto soo saarista gaarigeedii ugu horreeyay ee koronto ah oo gudaha dalkaas lagu sameeyo. Tallaabadan ayaa ka dhigaysa Hyundai shirkaddii labaad ee gudaha Turkiga ka soo saarta baabuurta korontada.
Berkel wuxuu xusay in tallaabadani ay daba socoto guushii taariikhiga ahayd ee Turkiga, markii 29-kii bishii Oktoobar 2022 ay u dabaal-degeen soo saarista gaarigii ugu horreeyay ee maxalli ah oo koronto ku shaqeeya (Togg), taasoo astaan u ahayd bilowga wax-soo-saarka taxanaha ah ee dalka. Mas'uulka Hyundai wuxuu tilmaamay in go'aankoodan uu ka tarjumayo kalsoonida ay shirkaddu ku qabto awoodda warshadaha maxalliga ah iyo khibradda farsamo ee Turkiga. Khadadka wax-soo-saarka ee warshadda Izmit (Galbeedka dalka) ayaa si buuxda loo casriyeeyay si ay ula jaanqaadaan baabuurta korontada, iyadoo isla markaasna la sii wadi doono soo saarista moodellada baabuurta caadiga ah ee shidaalka ku shaqeeya xilliga soo socda.
Waxqabadka Suuqa iyo Iibka
Berkel wuxuu caddeeyay in Hyundai ay soo martay sanad wanaagsan, iyadoo 11-kii bilood ee la soo dhaafay iibisay 59,618 gaari. In ka badan 37,000 oo kamid ah baabuurtaas waxay ahaayeen moodellada lagu sameeyay gudaha Turkiga, halka inta soo hartay la soo dhoofiyay. Wuxuu raaciyay: "Waxaan fileynaa inaan sannadka 2025 ku xirno iib ka badan 66,000 oo gaari, taasoo ka dhigan inaan kordhinnay iibkayaga 128% shantii sano ee la soo dhaafay."
Guud ahaan waaxda baabuurta ee Turkiga, sanadka 2025 wuxuu ahaa mid wanaagsan xagga wax-soo-saarka, iibka gudaha, iyo dhoofinta intaba. Berkel wuxuu saadaaliyay in suuqa baabuurta ee Turkiga uu sanadkan ku xirmi doono qiyaastii 1.35 milyan oo gaari oo la iibiyay, waana tiradii ugu sarreysay taariikhda waaxdan. Wuxuu xusay in iibka billaha ah uu inta badan bilaha sanadka dhaafayay 100,000 oo gaari, taasoo muujinaysa dalab xooggan oo joogto ah inkastoo ay jireen caqabado dhaqaale iyo sicirka dulsaarka oo sarreeya.
Qodob muhiim ah oo uu Berkel taabtay ayaa ahaa in heerka lahaanshaha baabuurta ee Turkiga uu weli hooseeyo marka loo barbardhigo dalalka Yurub, farqigaasna wuxuu tilmaamayaa inuu jiro fursad weyn oo suuqa uu ku kori karo sanadaha soo socda.
Kobaca Baabuurta Korontada
Suuqa baabuurta korontada ee Turkiga ayaa diiwaangeliyay kobac degdeg ah sanadkii 2025, iyadoo iibku uu kordhay 100% marka loo eego sanadkii hore, waxaana la iibiyay ku dhawaad 166,000 oo gaari 11-kii bilood ee ugu horreeyay. Berkel wuxuu yiri: "Qeybta dambe ee sanadka soo socda, moodelka ugu horreeya ee koronto ah ee aan ku soo saarno warshaddayada Izmit wuxuu noqon doonaa barta isbeddelka dhabta ah ee sumaddayada."
Shan sano ka hor, saamiga baabuurta korontada wuxuu ahaa 1% oo kaliya, laakiin sanadkan wuxuu gaaray 14%. Waxaa la filayaa in saamigan uu gaaro 35-40% marka la gaaro 2030. Macaamiisha ayaa u doorbidaya baabuurtan inay yihiin saaxiibka deegaanka, kuwo aan tamar badan cunin, iyo inay farsamo ahaan horumarsan yihiin.
Ugu dambayntii, ballaarinta goobaha baabuurta lagu dabaysto (charging stations) oo hadda ku dhow 40,000 oo goobood, iyo hoos u dhaca kharashka isticmaalka ayaa door weyn ka ciyaaray soo jiidashada macaamiisha. Berkel wuxuu hadalkiisa ku soo xiray in soo saarista gaari koronto ah oo ay sameeyeen "Gacmo Turki ah" ay muhiimad weyn u leedahay Hyundai iyo warshadaha baabuurta ee Turkiga, ayna gacan ka geysan doonto dhaqaalaha qaranka.
Xigasho: Wakaaladda Wararka ee Anadolu (Anadolu Agency).


