Luuqadda Cusub ee Mustaqbalka: Ma Taqaan Eray-bixinta Garaadka Macmalka (AI)?
Baro luuqadda mashiinnada si aad ula jaanqaaddo mustaqbalka soo socda.
Taariikhda aadanaha, xilli walba wuxuu la yimaadaa isbeddel iyo luuqad u gaar ah. Markii dunidu gashay Kacaankii Warshadaha, waxaa soo baxay ereyo cusub oo qeexayay waqtigaas. Maanta, waxaan taaganahay marinka “Casrigii Garaadka Macmalka” (The Age of AI).
Ereyada ay ka mid yihiin “Deep Learning” ama “Generative AI” ma ahan hadda kuwo farsamo oo kaliya, balse waxay noqdeen furayaasha lagu fahmo nolosha berrito iyo sida dunidu u shaqayn doonto sanadaha soo socda.
Fahamka Garaadka Macmalka: Ma ahan Doorasho, Waa Daruuri Sida ay qabaan khubarada tiknoolajiyaddu, fahamka luuqadda AI-gu ma ahan wax dheeraad ah, ee waa tallaabo daruuri ah si loola jaanqaado isbeddelka caalamiga ah ee dhanka shaqada, ganacsiga, iyo hal-abuurka. Haddii aadan aqoon luuqadda mashiinnadan cusub, waxaa adkaan doonta inaad fahanto jihada dhaqaalaha iyo horumarka dunidu u socdaan.
Waa kuwan ereyada ugu muhiimsan ee maanta qaabeynaya Garaadka Macmalka, iyo faahfaahinta waxa ay yihiin:
1. Qaab-dhismeedka Luuqadaha Waaweyn (Large Language Models - LLM) Tani waa “maskaxda” ka dambaysa aaladaha caanka noqday sida ChatGPT iyo Gemini.
Waa maxay? Waa barnaamijyo kombiyuutar oo lagu quudiyay xog qoraal oo aad u ballaaran (malaayiin buug iyo maqaallo ah).
Sida ay u shaqeeyaan: Ma ahan kuwo kaliya keydiya xogta, balse waxay fahmaan xiriirka ka dhexeeya erayada. Waxay awood u leeyihiin inay curiyaan maqaallo, qoraan koodh (code), ama ay ka jawaabaan su’aalo adag iyagoo isticmaalaya luuqad u dhow tan aadanaha.
2. Barashada Qotoda-dheer (Deep Learning) Waa habka ugu weyn ee Garaadka Macmalka casriga ah uu wax ku barto, waana sababta keentay in AI-gu hadda noqdo mid aad u awood badan.
Waa maxay? Waa hab farsamo oo kombiyuutarka loogu qaabeeyo inuu u shaqeeyo sida maskaxda bini’aadamka.
Faa’iidada: Habkan wuxuu u kala furfuraa xogta lakabyo badan. Tusaale ahaan, si uu u garto sawirka “Bisad”, wuxuu marka hore eegaa qaabka guud, kadib midabka, kadib qaabka dhagaha, ilaa uu ka gaaro go’aan sax ah. Waa tiknoolajiyadda wadda gawaarida is-wada iyo aqoonsiga wejiga (Face ID).
3. Garaadka Macmalka ah ee Guud (Artificial General Intelligence - AGI) Halka AI-ga maanta jira uu ku fiican yahay hal shay oo kaliya (sida tarjumaadda ama sawirka), AGI waa higsiga fog ee mustaqbalka.
Waa maxay? Waa heerka uu garaadka mashiinku la mid noqonayo kan bini’aadamka.
Awoodda: Mashiinka AGI wuxuu awood u yeelan doonaa inuu barto, fahmo, uuna xalliyo dhibaatooyinka kala duwan isaga oo aan u baahnayn in loogu sii tababaro hawl kasta si gaar ah. Waa heerka ay mashiinnadu ku yeelan karaan “garaad” la mid ah kan dadka.
4. Amar-siin (Prompting) Maadaama aan la macaamileyno mashiinno caqli badan, habka aan ula hadalno ayaa isbeddelay.
Waa maxay? “Prompt” waa qoraalka ama amarka aad siiso AI-ga si uu shaqo u qabto.
Muhiimadda: Tayada jawaabta aad hesho waxay si toos ah ugu xiran tahay tayada “Prompt-ga” aad qortay. Barashada sida loo qoro amarro sax ah waa xirfad cusub oo suuqa shaqada laga raadinayo.
Gunaanad Dunidu si xowli ah ayay ku socotaa. Barashada erey-bixinta Garaadka Macmalka waa tallaabada ugu horreysa ee aad ku hubinayso inaad qayb ka noqoto mustaqbalka, halkii aad daawade ka noqon lahayd.
La soco Sahanshe, si aad u hesho xogta ugu dambaysa ee horumarka tiknoolajiyadda iyo istaraatiijiyadaha caalamiga ah.
Xigasho: Al Jazeera | Sahanshe


