Daraasad Cusub: Maskaxda Bini'aadamku waxay ku jirtaa "Qaan-gaarnimo" ilaa 30-meeyada!
Daraasad cusub oo ay sameysay Jaamacadda Cambridge ayaa daaha ka qaadday in koritaanka maskaxda bini'aadamku uu ka duwan yahay sidii horey loo aaminsanaa.
Hordhac: Mudo dheer waxaa la aaminsanaa in koritaanka maskaxda bini’aadamku ay istaagto marka uu qofku qaangaaro. Laakiin, daraasad cusub oo xiiso leh oo kasoo baxday Jaamacadda Cambridge, laguna baahiyay Al Jazeera, ayaa daaha ka qaadday in maskaxdu ay sii waddo koritaankeeda iyo is-habaynteeda ilaa qofku ka gaarayo horraanta soddomeeyada (early 30s).
Halkan ka ogow shanta marxaladood ee ay maskaxdu marto iyo waxa ay ka dhigan tahay caafimaadkaaga.
1. Maskaxda iyo 5-ta Marxaladood ee Nolosha
Daraasaddu waxay ogaatay in maskaxdu ay marto isbeddello waaweyn oo dhaca da’da 9, 32, 66, iyo 83 sano. Waxaana loo kala qaybiyay sidan:
Carruurnimada (Ilaa 9 jir): Waa xilliga ay maskaxdu samayso koritaanka ugu degdegga badan.
Dheeraynta Qaan-gaarnimada (9 ilaa 32 jir): Tani waa qaybta ugu muhiimsan. Daraasaddu waxay sheegtay in inta u dhaxaysa da’da 9 ilaa 32 sano, maskaxdu ay weli ku jirto habaynta “Qaan-gaarnimada”.
Xilligan shabakadaha neerfayaasha ayaa noqda kuwa aad u shaqeeya.
Waa xilliga ugu sarreeya ee karti maskaxeed, laakiin sidoo kale waa xilliga ay ugu badan tahay halista xanuunnada dhimirka.
Xilliga Degganaanshaha (32 ilaa 66 jir): Marka qofku dhaafo 32 sano, maskaxdu waxay gashaa xaalad degganaansho ah, inkastoo awoodda maskaxdu ay billowdo inay tartiib hoos ugu dhacdo.
Gabowga (66 ilaa 83+ jir): Marxaladdan, maskaxdu waxay billowdaa inay u qaybsanto gobollo kala madax-bannaan, waxaana kordha saameynta cudurrada sida asaasaqa.
2. Maxay tani muhiim u tahay?
Natiijadan ayaa sharraxaysa sababta xanuunnada dhimirka ama nafsiga ah (sida walwalka iyo niyad-jabka) ay badanaa usoo baxaan inta lagu jiro dhallinyaranimada iyo horraanta 30-meeyada. Maskaxda oo weli dib isku habaynaysa ayaa ka dhigaysa mid xasaasi ah.
Sidoo kale, daraasaddu waxay xaqiijisay in maskaxdu aysan waligeed joojin isbeddelka, balse ay la jaan-qaaddo dhacdooyinka nolosha sida guurka, waalid-nimada, iyo gabowga.
Gunaanad: Fahamka in maskaxdaadu ay weli “korayso” xitaa markaad 20 jir dhaafto, waxay ku siinaysaa fursad aad si fiican ugu daryeesho caafimaadkaaga maskaxda, adigoo og in da’da 30-meeyadu tahay xilliga ay maskaxdu gaarto bisaylkeeda rasmiga ah.
Xigasho: Warbixintan waxaa laga soo xigtay daraasad ay samaysay Jaamacadda Cambridge oo ay baahisay Al Jazeera.


